HemLanguageSomaliska (af soomaali)

Somaliska (af soomaali)

Haddii dhaawac kaa soo gaadho daryeelka caafimaadka – Warbixin af-soomaali ah oo ku saabsan caymiska bukaanka

Haddii dhaawac kaa soo gaadho daryeelka caafimaadka waxa aad xaq u yeelan kartaa magdhabid sida ku cad sharciga dhaawacyada bukaanka. Dhammaan maamulada caafimaadka iyo gobolladu waxay caymiska bukaanka la saxeexdeen Löf. Sannad kastaba in ka badan 17 000 ashkato oo ah dhaawacyada bukaanka ayaa soo gaadha Löf. Qiyaasti boqolkiiba 40 ka mid ah ashkatooyinkan waa la magdhabaa.

Buugan yari wuxu ku siinayaa warbixin fudud oo ku saabsan caymiskayaga bukaanka. Baaritaanada iyo qiimeynta oo dhan waxa loo sameeyaa si waafaqsan sharci dejinta iyo shuruudaha caymiska ee jira.

Dhaawacyada dhacay ilaa iyo 2014‑12‑31:
Waa khasab inaad ka ashkatootid dhaawac saddex sanno gudaheed taas oo ka bilaabmaysa marki aad ogaatay wixi ku saabsan
– in dhaawacan u muuqdo si weyn
– in dhaawacan xiriir la yeelan karo daryeel caafimaad iyo in ay suurtagal tahay magdhabida dhaawaca bukaanka
– caymis bixiyaasha loo gudbinayo codsiga magdhabida.

Waxa jira xad wakhti oo ugu sareeya oo ah tobban sanno taas oo la xisaabiyo laga soo bilaabo wakhtiga dhaawacani dhacday.

Dhaawacyadi dhacay laga soo bilaabo 2015‑01‑01:
Waa khasab inaad ka ashkatootid dhaawac tobban sanno gudaheed oo ka soo bilaabmaysa wakhtigi dhaawacani dhacay.

Muxu khuseeyaa caymiskani?

Haddii dhaawacani ahaa mid laga taxaddari kari lahaa

Si ay suurtagal u noqoto in dhaawacan magdhabid laga bixiyo waa inay suurtagal ahayd in laga taxaddari kari lahaa. Daryeelada caafimaad ee bukaanka iyo ilkaha oo dhan waxay wataan khataro ah dhinaca dhibaatooyin kuwaas oo aanay suurtagal ahayn in laga taxaddaro. Dhibaatooinka noocaas ah ma laga bixiyo wax magdhabid ah.

Dhaawac alaabeed

Haddii dhaawacaaga ay sababtay cillad ama isticmaalid qaldan oo dhinaca aaladaha, qalabka ama alaab kale oo shaqada fududeysa ah taas oo loo isticmaalo daryeelka caafimaadka ee bukaanka ama ilkaha ah, waxa aad xaq u yeelan kartaa magdhabid.

Sheegitaanka cudurka oo lala habsaamo ama la qaldo

Hadii sheegitaanka cudurka lala habsaamo waxaad heli kartaa magdhow hadii habsanku keeno inaad ka sii daraato marka la barbar‑dhigo haddii cudurka mar hore la sheegi lahaa.

Infekshanada

Marka qallitaan la sameeyo waxa markastaba jirta khatarta infekshano. Magdhabidan waxa la bixin karaa haddii shay cudur faafiye ahi uu soo gudbay isagoo xiriir la leh daryeelka caafimaad iyo daweynta. Laakiin ma la bixiyo magdhabid haddii infekshankan ay sabab u ahayd baakteeriyadaada gaarka ah ama haddii laguu daweynayay xaalad ay naftu halis ku jirtay.

Xaaladaha shilka

Magdhabid waa la bixin karaa haddii dhaawacan ay sababtay xaalad shil oo xiriir la leh daryeelka caafimaadka ee bukaanka ama ilkaha xilligi gaadiidka bukaanka ama iyadoo sababtay dhaawac ka dhacay dhismayaasha daryeelka caafimaadka ama qallab. Adigu caadi ahaan magdhabid ma helaysid haddii tusaale ahaan aad kuftay adigoo ku socday musqusha ama wax la mid ah.

Dawo qaldan

Haddii dhaawaca ay sabab u tahay dawo dhakhtar qoray oo qalad ahayd waxad xaq u yeelan kartaa magdhow. Waxyeelooyinka ku yimi dawooyin dhakhtar u qoray qaab sax ah waxa looga ashkatoon karaa Caymiska Dawooyinka (Läkemedelsförsäkringen).

Waa maxay waxa caymisku aanu khuseynin?

Dhaawac gaadiid iyo dhaawac shaqo

Haddii dhaawac gaadiid kugu dhacay, caymiska gaadiidka ayaa caadi ahaan magdhaba dhaawacyadi soo baxay marki laguu daryeelayay dhaawacan gaadiidka. Marka ay jirto dhaawac shaqo waa inaad ugu horeyn la xiriirtid Caymiska AFA Försäkring iyo Caymiska Trygghetsförsäkring markay noqoto dhinaca dhaawac shaqo.

Daaweynta gaarka ah

Dhakhtarada gaarka u shaqeeya ee ilkaha ama dhakhtar aan la laheyn heshiis daryeel maamulka caafimaadka/gobolka iyo daryeelka degmada, waxuu heshiis caymis bukaan socodka ah la galey shirkadaha caymisyada ee kale. Hadii aanad hubin shirkada caymiska ee aad la xiriireyso, waxaad macluumaadka ka heli kartaa daryeel bixiyahaaga.

Dhaawaca alaabeed

Khasaaraha ku yimaada alaabta qofku gaar u leeyahay, magdhabid ma ka bixiyaan caymiska bukaanku. Tusaale ahaan waxa noqon kara in muraayadaadii indhaha ay jabtey, boorsadaadii lacagta lagaa xadey ama ilkahaad xidhaneysay ee aan dabiiciga ahayn ay lumeen.

La dhaqanka iyo shaqaalaha

Su’aalaha la xiriira tusaale ahaan la dhaqanka ama shaqaalaha dhinaca daryeelka caafimaadka iyo ilkaha kuma jiraan caymiska bukaanka. Su’aalahaa waxaad kala hadli kartaa guddida bukaanka ama kalsoonida ee maamulka caafimaadka ama gobolka.

Haddii aan lagu qanacsanayn daryeelka

Miyaa daryeelka caafimaadka aad kala kulantay wax kaa dhigay mid murugeysan, caraysan ama niyad jabsan? Markaasi waxad la xiriiraysaa guddida bukaanka ama kalsoonida taas oo laga helayo maamulka caafimaadka ama gobol kastaba. Guddiyada bukaanka waa hey’ado madax‑banaan kuwaas oo ay tahay inay fududeeyaan xiriirka u dhaxeeya bukaanka iyo daryeel bixiyaha. Wixi dheeraad ah ka akhri: www.1177.se

Foojignaan la’aanta dhinaca ammaanka bukaanka: Haddii aad soo aragtay foojignaan la’aan ah ammaanka bukaanka taas oo la xiriirta daryeel caafimaad ama daweyn dhinaca daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ah ama daryeelka ilkaha ah waxad ashkato u gudbin kartaa Hey’adda Baarista daryeelka iyo xanaanada Inspektionen för vård och omsorg (IVO). IVO waa hey’ad dawladeed taas oo adeecda dawladda, Wasaaradda Bulshada (Socialdepartementet).
Wixi dheeraad ah ka akhri: www.ivo.se

Koobis ku saabsan caymiska bukaanka

Waxad magdhow u heli kartaa

– dhaawacyo suurto gal ahaa in laga taxaddaro
– dhaawacyo ay sabab u ahayd cilad ku timid, ama qalad u isticmaalid alaab caafimaad ama qalabka daryeelka caafimaadka
– dhaawacyo ay sabab u ahayd sheegitaanka cudurka oo qalad ama habsan ahaa
– haddii shay cudur faafiye ahi kuu soo gudbay xilligi daryeelka oo keenay infekshan
– dhaawacyada shilalka qaar ka mid ah
– dhaawacyo ay sabab u ahayd dawo siin qalad ah.

Lagu ma siinayo magdhow

– hadii dhaawaca xili habsan ah laga soo askhatooday
– dhaawacyo ka hooseeyo qaybta lacagta ee qofku iskii caymis ahaan u bixiyo
– khasaare ku dhacay alaab qofku gaar u leeyahay
– dhaawacyo ama dhibaatooyin aanay suurtagal ahayn in laga taxaddaro
– haddii infekshankan ay sabab u ahayd baakteeriyadaada gaarka ah ama haddii cudurki cudurka lagaa daaweynaaye khatarsanaa infekshankan
– haddii waxyeelooyin kaa soo gaadheen dawooyin loo qoray qaab sax ah
– dhaawacyo ku yimid daaweyn sax ah xilli noloshu ku jirtay xaalad toos khatar u ah.

In laga ashkatoodo dhaawac

Waa adiga qof ahaantaada qofka go’aaminaya haddii aad noo soo gudbinaysid ashkato. Boggayaga internetka, www.lof.se, waxad ka samayn kartaa askhatada dhaawacaaga iyadoo aad u sii maraysid inaad ku gashid ”BankID” dhinaca ”Mina sidor” isla markaana aad ku buuxisid macluumaadkaaga.

Waxa aad foomka wargelinta ka soo dejisan kartaa boggayaga internetka. Foomkan xitaa wuxu yaalaa isbitaalada, xarumaha caafimaadka iyo isbitaalada daryeelka ilkaha. Waxa kala oo aad ka dalban kartaa guddidaada bukaanka ama kalsoonida ama iyadoo loo marayo in la soo waco xaruntayada oo leh telafoonka 08‑551 010 00.